Wasiirka Gaashaan-dhiga Soomaaliya oo Tacsi u Diray Ehelkii Dhalinyaraddii Doonidu Kula Tagtay Badda Masar iyo Talyaaniga U Dhaxaysa

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Gaashaan-dhiga Dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo ka hadlay dhiibataadda Aafadda Tahriibku ku hayso dalka ayaa sidoo kale dhambaal Tacsi ah u diray dhalinyaraddii ku geeriyooday aafaddii ka dhacday badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga.

Wasiir_diiniCabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo ugu horayn tacsi diyaaraya ayaa yidhi, “Waxaan rabaa in halkaan aan ka muujiyo tacsi aan u dirayo umadda Soomaaliyeed dhammaan meel ay joogto gaar ahaan waalidiintii ay ka geeriyoodeen oo badda ku daateen ilmahoodii oo aad iyo aad tiiraanyo ay u leedahay in ilmaheenii maalin walbo ay sidaan badda ugu daataan iyagoo dadkoodii iyo dalkoodii ka baxsanayaan oo raadinayaan nabad galyo, waxbarasho ama nolol kale”, Sidaasi waxaa yidhi Wasiir Diini.

 Wasiirka Gaashaan-dhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo ka haldaya sida looga bixi karo dhibaatadda tahriibka ayaa yidhi, “Waxaana leeyahay ilmaheena waxaan ka badbaadin karnaa arrintaan markaan dhisanno ciidamadeenna oo xagga amni dalkeenna ku soo dabaalno, waxaan ka badbaadineynaa annaga oo isku duuban markaan dalkeena dhisanno ayaan ilmaheena waxaas iyo waxaa la mid ah ayaan ka badbaadineynaa, waxaan ka badbaadineynaa ilmaheena inta la qalday dalkooda iyo dadkoo dhibaatada u geysanaya waa hadii aan u wadajirno arrinkaasi meel walbo oo aan joogno walibana iska dhaafno inaan is goobagoobeyno”.

Bishii April 13 2016 waxaa badda u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga waxay dooni siday 500 oo tahriibayaal ah oo u badan Soomaali ay doonidii kula tagtay badda waxaana halkaasi ku naf waayey dadkii doonidaasi saarnaa intooda baddan waxaa kaliya oo la sheegay inay ka badaadeen ilaa dhawr iyo labaatan qof oo kaliya kuwaasi oo gaadhay dalka Giriiga halkaasina loogu fidiyey gargaar caafimaad iyo caawino guud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.