Wasiirka Duulista Somaliland oo Beeniyey In Madaarka Berbera Cid Kale Lagu Wareejiyey

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maalmihii u dambeeyey la isla dhex maaraayey warar kutiri kuteena ah oo lagu sheegay in xukuumadda Somaliland ay madaarka Berbera ku wareejisay maalmulkiisa Imaaraadka Carabta, wasiirka Duulista Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe ayaa warkaasi Beeniyey.

wasiir_farxaan_haybe

Wasiirka oo maanta Arbaca ah shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxaa uu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya, “Haddii madaarka cid kale la siiyey maanan soo fadhiisanee hadda ee waxaanu odhan lahayn, meel kale diyaaraddu ha tagto. Taasi horta ma jirto”.

Wasiirka ayaa sheegay in dawladda Imaaraadka ay Somaliland wax kale ka dalbatay, waxaanu yidhi, “Laakin waxaa jira oo xaqiiqa ah, madaxweynaha waxay waydiisteen qoladda imaaraadku, waliba imaaradda Abu-Dubai inay saldhig ka samaystaan Berbera, waa codsi, codsina macniihiisu maaha waa la iibiyey”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.