Wasiirka Duulista Oo Xadhiga ka Jaray Goobo Adeeg Dib Loo Casriyeey Iyo Qalab Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyey Madaarka Cigaal International Airport

Hargaysa – (warsoor) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa xadhiga ka jaray, waxa ka badal lagu sameeyay goobaha adeega Dadweynaha ee Madaarka Cigaal International Airport , iyo Qalab Cusub oo lagu soo ku dhiyey,qalabkan oo ay soo kordhisya Hay’ada u xilsaaran Madaarka Rogista iyo Rarista Diyaaradaha ayaa noqonaaya mid waxweyn ka tari doono baahida adeeg ee Madaarkaas.

Wasiirka Duulista oo hadal kooban ka jeediyey goobtaas xadhig ka jarida ka hor, ayaa yidhi:-“waxaan ugu horayn u mahadcelinayaa shirkada NASHA  kana mida gacmaha ay Wasaaradu ku shaqayso kuna hawlgasho waxaanan leeyahay adeegan iyo mid ka balaadhanba waa laydinka sugayaa si uu Madaarkeenu ula jaanqaado Madaarada caalamka kuwa aynu la jaarka nahay iyo kuwa kaleba.

Wasiirku isga oo ka hadlaya ku talo galka Wasaaradiisa waxa uu yidhi:-  ka Wasaarad ahaana way naga go,antahay inaanu tayayno adeega aanu ka bixino Madaarada hadii ay tahay xaga nabadgelyada iyo xaga bidqabka  Diyaaradaha, waxaan markale u mahadcelinayaa Maamulka Madaarka oo iyaga laftoodu kala shaqeeyay hawshan iyo madaxda iga hoosaysa ee Waasaarada oo qorshahan iyagu qayb ka ahaa waxaanan leeyahay bi,idmilaahi tacaalaa mid inoo suurto geliya inaynu mustaqbalka noqono ama la jaanqaadno Madaarada, himiladayaduna intaa waa ka balaadhan tahay. Waxaan marlabaad iyo mar sedexaad u mahadcelinayaa shirkada NASHA oo aan leeyahay ku dhiirada inaad ka qayb qaadataan intan iyo in ka badan, Waxay ka mid tahay horumarka iyo tayaynta adeega Madaarka.”

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Cumar C/laahi Aadan oo faahfaahin ka bixinaya sababta ka danbaysey keenida Qalabkan ayaa yidhi:-“ run ahaantii adeega ay soo kordhisay shirkada NASHA  wuxuu qayb wayn ka yahay horumarinta iyo kor u qaadista mMadaarka caalamiga ah ee hargeisa iyo guud ahaanba Madaaradeena waxaa jiray sanad ka hor in Wasaarada Duulista Hawada iyo shirkada NASHA kulan yeesheen kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu horumariyo adeega Madaarada ee shirkada NASHA  bixiso oo la gaadhsiiyo heerka caalamiga ah ee Madaarada”.

Agaasimihu isaga oo u mahad celinaya Maamulka shirkada NASHA waxa uu yidhi:-“aad baanu runtii uga mahadcelinaynaa inay shirka NASHA shirkaa wixii kasoo baxay ku camal fashay, waxaanan jecelahay qalabkani inuu yahay kii labaad ee ay keenaan, waxay ila tahay hal mar dhiman yahay , qalab sedexaad ayaa soo socda ayaan jeclahay, kwani waa kuwii labaad.”

2o6a1466

Agaasimaha NASHA Maxamuud C/raxmaan Cumar oo isna hlkaasi ka hadlay ayaa yidhi:-“ aad baan ugu mahadnaqayaa Wasiirka Wasaarada Duulista Farxaan Aadan Haybe, Maamulk madaarka iyo dhamaan hawlwadeenada Madaarka, iyo dhamaan Hay’adaha ka shaqeeya Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International  Airport aad bay farxad iigu tahay aniga oo ku hadlaya magaca shirkada NASHA ee qaabilsan adeegada gaarka ah ee loo qabto shirkadaha ka goosha Madaarada Somaliland oo dhan oo ay shirkada NASHO kusoo kordhisay qalab cusub”.

2o6a1461 2o6a1234 2o6a1589

ISmail Ali Ahmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada iyyo Gaadiidka Cirka

Tel:- 063 4424571

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.