Wasiirka Duulista oo Muwaadiniinta Reer Somaliland ku Booriyey in ay Qaataan Kaadhka Ay Doorashada Ku Galayaan.

Hargaysa – (warsoor ) – Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa Dadka Gobolada Maroodi Jeex iyo Togdheer ee ay ka bilaabmatay qaadashada kaadhka lagu galaayo doorashada, ku booriyey in ay qaataan kaadhkaas, si ay u helaan buu yidhi xuquuqda uu Distuurku u jideeyay ee ah in ay Doorashada codeeyaan oo ay doortaan cidii ay u arkaan in ay hogaamin karto.

Wasiirka oo arintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:-“waxaan fursadan uga faa,iidaysanayaa diiwaan gelinta ama kaadh qaadashada codbixiyayaasha ee ka bilaabantay Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer waxaan leeyahay Dadku ha qaataan kaadhkooda waa xuquuq aasaasiya oo dastuurku siiyay, waa inay xaqaa dastuurku siiyay ee ah inay codeeyaan ay ku baadi doonaan doorashada cida ay doonayaan inay doortaan oo ay ka faa,iidaystaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in kaadhka lagu galaayo sadex doorasho, waxaanu yidhi:- Ta labaad kaadhkaa imika la qaadanayo waxa lagu gelayaa labo doorasho oo kale doorashada Golaha Deegaanka iyo ta golaha Barlamaanka markaa sababtaa awgeed dadku haw qaataan kaadhkooda.

Wasiirka ayaa tilmaamay habka loo qaadanayaa in uu yahay hab fudud:-“ Habka loo qaadanayaa waa qaab fudud hadii qofka ay ka luntay warqadii uu isku diiwaan geliyay waxa uu tegayaa halkii uu iska diiwaangeliyay halkaas ayuu kaadhkiisu yaalaa waa loo baadhayaa waxa uu sheegayaa magaciisa oo afran oo ah kii uu maalintaa isku diiwaan geliyay.

Wasiirku wuxuu cadeeyay in uu isaguna qaatay kaadhkii, si uu u guto waajbaadka Distuuriga ah:-“Aniguna waan isdiiwaan geliyay waan soo qaatay kaadhkaygii codbixinta inaan codeeyo si aan u daboolo xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku isiiyay dhamaantiin waxaan idin rajaynayaa inay guul ku dhamaato.

Ugu danbaytii Wasiirku waxa uu Alle ka baryey in uu nabad qab inagu gaadhsiiyo, dadweynaha waxa uu ka codsaday in ay gacan siiyaan Hawlwadeenada Koomiishanka Doorashooyinka  Ilaahay doorashada haynagu gaadhsiiyo nabadqab oo haynooga dhigo mid nabadqab inoogu dhamaata, Dadkana waxaan leeyahay nabadgelyada ilaaliya ha kala qayb qaataan hawlwadeenada komishanka goobkasta iyo meelkasta oo ay joogaan oo haw fududeeyaan adeega ay uga baahan yihiin iyo daryeelka ay uga baahan yihiin iyaguna si habsami ah oo hufan haw qaataan kaadhkooda guul iyo gobanimo ayaan leeyahay.”

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.