Wasiirka Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Hargeysa Ka Furay Kulan Diimeedka 3aad Ee Ansaaru Sunna

HARGEYSA – (WARSOOR) – Kulankaas waxa ka soo qayb-galay culimo ka kala timi meelo badan oo dunida, waxaana u jeedadiisu tahay in mudada uu socda bulshada loogu soo gudbiyo casharo ku saaabsan sida diinta islaamku iga hadashaday.

Kulankaas waxa ka hadlay qaar ka mida culimadii ka timi wadamada dibada, kuwaas oo sheegay in mudada kulankaasi ka socdo caasimada Hargeysa ay bulshada u soo gudbin doonaan casharo la xidhiidha diinta islaamka iyo sunaha rasuulkeenii suubanaa (NNKH).

Sheekh maxamed Cali Geedi iyo Sheekh Almish Yaxye oo ka mida culimada Somaliland ayaa sheegay in kulankaas 3aad Ansaaru Sunna uu yahay mid bulshadu wax badan ka faa’iidi doonto.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa culimadaas ku soo dhaweeyay caasimada Hargeysa, waxaanuu uga mahadceliyay go’aanka ay ku qaateen in kulan diimeedka 3aad ee culimada Ansaaru Sunna lagu qabto Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaanuu bulshada u soo jeediyay in ay ka faa’iidaystaan muxaadarooyinka kulankaas lagu soo bandhigi doono mudada uu socdo.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in kulankaasi yahay mid muujinaaya sida culimadu u danaynayso in bulshada Somaliland ay u gudbiyaan casharo la xidhiidha diinta islaamka, waxaanuu intaas ku daray in arrintaasi ku timi ammaanka iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, taas oo loo baahan yahay in kor loo sii qaado.

Wasiirka diinta iyo aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil wuxuu guud ahaan bulsahda Somaliland u soo jeediyay in ay ka faa’iidaystaan duruusta diiniga ah ee lagu bixin doono mudada uu kalankaasi ka socdo caasimada Hargeysa.