Wasiirka Difaaca XFS”Dhawaan waxaa la soo geba gebeyn doonaa dhismaha Warshadda Tolmada Dharka Ciidanka X.D”

Muqdisho – (warsoor) – Mudane Xasan Cali Maxamed(Amardambe) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wareysi siiyay Wakaaladad SONNA ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha Warshadii Tolmada Dharka ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan la soo geba gebeyn doono dhismaha Warshaddaasi,isagoo ku tilmaamay in ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh daboolidda baahiyaha dhar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in ay tahay warshad aad tayo sareysa u leh,isagoo xusay in looga faa’idaysan karo soo saarista waxyaabo badan oo muhiim ah, islamarkaana ay shaqo abuur u noqonaysa dad badan.

“Dhawaan waxaa la soo geba gebeyn doonaa Dhismaha Warshadda Tolmada Dharka ee Ciidanka Xoogga Dalka,Waxayna daboolaysaa Baahida Dhar ee Ciidanka, dowladda Soomaaliya xoogga ayay saaraysaa sidii loogu guuleysan lahaa dhameystirka dhismeheeda”, ayuu yidhi Wasiir Amardambe.

Wasiirka Difaaca Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga dowrka ay ka qaadanayso dhismaha Warshadan,isagoo intaasi ku daray in wasaaradiisu ay ka shaqeynayso sidii looga miro dhalin lahaa hadafka laga leeyahay Dhismaha warshaddan.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed “Amardanbe”oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Daahir Aden Cilmi uu Kormeeray Xaruntii hore ee Warshadii Tolmada dharka Ciidanka Xooggga dalka.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.