Wasiirka Difaaca dalka oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda ciidamada qalabka sida

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadhaandhigga Mudane Xasan Maxamed Siciid Samatar Gacaliye ayaa waxay kulan la qaateen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar-galinta kiisaska horyaala Maxkamadda waxaana uu Wasiirka Gaashaandhigga xusay in ay ka shaqeyn doonaan tayeynta Shaqaalaha iyo howlwadeenada ka shaqeeya Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.