Wasiirka Deegaanka oo Furtay Shir Lagu Dejinayo Qorshaha Wasaaradaasi

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shalay furtay shirka Curinta qorshaha wasaaradaasi ee shanta sano ee soo socda.
Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayay wasiirku ka furtay xarunta wasaaradda deegaanka ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana furitaanka shirkaasi ka soo qayb galay haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka.
Wasaarradaha dawladda ee ka shaqeeya arrimaha la xidhiidha deegaanka, qaar ka mida jaamacadaha dalka.

Shirkani ayaa muddada uu socdo lagu lafa-guri doonaa qorshaha cusub ee wasaaradda deegaanka ee 5-ta sano ee soo socda.
Iyadoo laga duulayo qorshaha guud ee qaranka Somaliland NDP2.
Diyaarinta qorshahaasi waxaa wasaaradda deegaanka ka gacan siinaysa haayada World Vision.
Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay furitaanka shirkaasi ayaa ka warbixisay dulucda shirkaasi iyo arrimaha lagaga doodi doono mudadda uu socdo.
“Muhiimadu waxay tahay, in qorshihii shantii sanadood ee tegay in aan dib u eegis ku samayno. Ka soo socdana in aynu xoogga saarno, oo uu ina haggo.
Waa diyaarinta qorshihii inna hagayay shanta sanadood ee soo socda” ayay tidhi wasiirku.
Wasiir Shukri, ayaa kula dar-daaran tahay ka soo qayb galeyaasha in shirkaasi laga soo saarro qorshe wax ku ool ah oo wanaagsan.
Waxaanay tidhi, “Waxaan idinka codsanayaa, in qorshe inna hagga, oo hagaagsan, oo wax ku ool ah, oo inna wadda anfaca, inuu noqdo”.
Geesta kale shirkani ayaa loogu tallo galay in mudadda uu socdo lagu qiimeeyo in lagu qiimeeyo qorshihii hore ee wasaaradaasi shantii sanadood ee tegay.
Kaasoo dhamaanaya bisha June ee sanadkan, iyo sidii ay uga doodi lahaayeen dhamaanba wadaageyaaaha arrimaha deegaanku.
Si ay uga soo baxdo qorshaha cusub ee ay wasaaradu ku shaqayn doonto shanta sanadood ee soo socda.
Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga C/naasir Axmed Xirsi.
Dhinaca kale qorshihii hore ee wasaaradda deegaanka ayaa muhiimadda koowaad saarayay ilaalinta deegaanka, balse aan wax saamayn ah ku lahayn arrimaha horumarinta reer miyiga.
Sidaas darteed qorshahan cusub ayaa la rejaynayaa in lagu soo darro horumarinta arrimaha reer miyiga.