Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Duulista Somaliland Oo Loo Sameeyey Munaasibad Lagu Maamuusaayey

Hargeysa – (warsoor) – Aqoonyanka iyo dhalinyarada bariga hargeysa ayaa xaflad maamuus soo dhawayana u sameeyay wasiirka cusub ee wasaarada duulista iyo hawada jamhuuriyada Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe oo dhawaan madaxweynaha jamhuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo u magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradaasi.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay waxgaradka,odayaasha,haweenka,salaadiinta iyo aqoonyahanka bariga hargeysa sidoo kale waxaa iyaguna goob jog ahaa wasiirka cusub ee wasaarada duulista farxaan aadan haybe,agaasimaha guud ee amniga ee wasaarada arimaha gudaha xasan nuur abokor,safiirka Somaliland ee Australia iyo marti sharaf kale.

masuuliyiin

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay qaar ka mida dhalinyradii soo qabanqaabisay xafladaasi oo sheegay inay ku maamuseen masuuliyiintaasi gaar ahaan wasiirka duulista oo ah nin dhalinyaraa oo firfircoon isla markaana hanan kara xilkaas loo magcaabay.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaa ka hadlay salaadiin ay ugu horeeyaan suldaan maxamuud cabdi cabdilaahi xaaji aadan,suldaan cabdiraxmaan good,ganacsato,xildhibaano iyo waxgarad kale oo dhamaantood sheegay in wasiir farxaan haybe iyo dhamaan masuuliyiintaa kaleba loo xilsaaray masuuliyad culus ilaahayna ku asturo.

Dhankooda waxaa iyaguna masuuliyiintaas oo ugu horeeyo wasiirka cusub ee wasaarada duulista farxaan aadan haybe waxaana uu wasiirku sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay maamuuskan ay u sameeyeen dhalinyaradu u sameeyeen waxaanuu sheegay wasiirku in dhamaan gobolada Somaliland iyo shacbiweynaha Somaliland uu yahay wasiirkoodii gaar ahaan wasaarada duulista iyo hawada iyo dhamaan somalilandba,waxaan intaa uu ku daray wasiirku inuu la shaqayn doono dhalinyarada mar walbana garabkooda taaganyahay,dhanka kale waxaana iyaguna  ka hadlay masuuliyiintii kale oo dhamaantood u mahadnaqay dhalinyartaasi.

Ugu dambayn waxaa xafladaasi ku soo dhamaatay jawi farxad leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.