Wasiirka Cafaafimaadka Somaliland oo Ka Warbixiyey Doorka ay Wasaaraddu Ka Qaaday Gurmadka Abaaraha Goboladda Bariga Dalka

Hargaysa – (warsoor) –  Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan  Ciise  Axmed (xaglo-tosiye), ayaa ka hadlay taakulaynta dhinaca daawooyinka arrimaha caafimadka ee ay wasaaradiisu ka gaysatay dadka ku nool  goboladda bariga Somaliland ee ay abaartu ka jirto.

Wasiir Xaglo-toosiye, waxa uu  ka warbixiyay  doorka ay wasaaradiisu ka qaadatay  gurmadka bulshadda ku nool gobolada ay abaartu ka jirto, gaar ahaana dhinaca caafimaadka iyo daawaynta xanuunadda ay keentay abaartu.

Wasiirka caafimaadka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa  ayaa u mahad naqay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo uu sheegay   in uu  gacan weyn ka gaystay gurmadka dhinaca caafimaadka ee ay wasaaradu kaga hawlgashay gobolada abaartu ka jirto.

Waxa kale oo uu tilmaamay in hay’adaha caalamiga ah ee wasaaradda caafimaadka kala shaqeeya arrimaha caafimaadka ay door  muhiim ah ka qaaten  sidii bulshadda ku nool degaamadda abaartu ka jirto gar gaar daawo ah loo gaadhsin lahaa.

Isagoo arrimahaasi faah-faahin ka bixinayay-na waxa uu “Waxaan idiinku yeedhnay in aanu ka war-bixino gurmadkii iyo waxqabadkii wasaaradda caafimaadka ee ku waajahnaa xakamaynta xanuunadda ay keentay abaartu, waxaana ka mid ah hirgelinta xarunta caafimaad  oo  logu tallo-galay  xakamaynta iyo daawaynta xanuunka shuban-biyoodka ee ka jira magaaladda Tog-wajaale.

Kooxaha  caafimaad ee wareegaya ee aanu dirnay waa konton. Kontonkaasi xarumood waxay daboolayaan baahida 477  goobood, markaa kooxdiiba waxaa ku soo hagaagaya toban goobood. Kontonkaasi kooxood  ee wareegaya waxay wataan daawooyinkii, dhakhaatiirtii  ayaa saaran, kal-kaaliyeyaal caafimaad oo xirfadoodu sarayso ayaa la socda, umulisooyinkii ayaa la socda, qaybta fayo-dhawrka ayaa la socda (Hygiene and sanitation)”.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo jira 302  xarun caafimaad  oo wadanka ku kala yaalla iyag-na heegan ayay ku jireen habeen iyo maalin-bana way shaqaynayeen, mudadda ay abaartu jirtay.  Waxa kale  oo ay wasaaradu waxay kala dirtay dhamaanba agaasime-waaxeedyadii, marka laga reebo hal agaasime-waaxeed xarunta wasaaradda ku hadhay, anagoo u kala dirnay lixda gobo lee dalka, waxaanay qaadeen daawooyin ay wasaaradu kaga qayb qaadanayso gurmadka dadka abaartu haleeshay”ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Geesta  kale wasiirka ayaa ugu baaqay xisbiyadda siyaasada iyo bulshadaba in aan la siyaasadaynin xaaladaha nololeed eek u gedaaman dadka ay abaaruhu haystaan, isla markaana laga wada qayb qaato sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

Dhinaca kale wasiirka caafimaadku waxa uu isla maanta deeq daawooyin ah kala wareegay hay’ada PSI, daawooyinkaasi oo isugu jiray  daawooyinka ka hor taga shubanka, sifaynta biyaha, fuq-celinta iyo dawooyin kale.

Daawooyinkaasi oo ay hay’ada PSI  sheegtay in ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka iyo samata-bixinta dhinaca xaaladaha caafimaadka ee loogu jiro bulshadda ku nool degaamadda ay abaartu haleeshay.

Wasiirka caafimaadka ayaa  hay’adda PSI uga mahad celiyay daawooyinka ay ku soo caawisay bulshada tabaalaysan ee goboladda abartu hayso, isago xusay in daawooyinkaasi si deg deg ah logu gudbin doono meelaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha caafimaad darro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.