Wasiirka Cadaaladda Somaliland oo Ka Hadlay Maxbuus Is Daldalay

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Cadaaladda Somaliland Md. Cismaan Cadarre ayaa Sabtidan ka hadlay laba maxbuus oo isku dhex daldalay xabsiga dhexe ee magaaladda Berbera Jimciihii oo mid ka mid ah geeriyooday.

Wasiir Caddare ayaa sheegay in labadda Maxbuus ee is dalday aanu xiskoodu dhamayn, waxaanu sheegay in mid ka mid ahi u dhintay halka mid kalena la badbaadiyey oo hadda uu xisbitaal u jiifo.

Wasiirka Cadaaladda Somaliland ayaa sheegay in ay baadhitaano  ay waddaan, isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi, “Baadhitaankii uu socdaa, ninkaasi nin xanuunsanaayey ayuu ahaa oo waliba gaar loo saaray, xanuuno qabay, lagana takooray dadka si aan xanuunkaasi looga qaadin”, sidaasi waxaa yidhi Wasiir Caddare.

Wasiirka Cadalaadda ayaa sheegay in kasta oo ay dulman yihiin maxaabiista ku jira jeelashadda dalka, haddana ay xukummadda Somaliland iyo shacbigeedu ay u dadaalaan dadka xabsiga ku jiraa oo ay siiyaan taageeradda iyo gargaarka ay u baahan yihiin.

cismaan-caddare

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.