Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Beeniyay Eedo Loo Jeediyay Guddida Heer Qaran Xakamaynta Covid-19

Hargeysa – (WARSOOR)-Wasiirka wasaaradda horumrinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa ka hadlay talaabooyinkii ay soo saareen guddidii heer qaran ee xakameynta Covid-19.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa tilmaamay muhiimada ay leeyihiin talaabooyinkii laggaga hortageyey xannuunka Coronavirus, ee ay soo saareen guddidii xakameynta iyo u diyaargarawga ee cudurka Covid-19 markii la qaaday xayiraadihii bulshada lagu soo rogay wakhtigii uu xawliga ba’an ku socday xannuunkaasi.

Waxa kale, oo uu wasiirka caafimaadka Somaliland meesha ka saaray eedaymo guddidaas ay u soo jeediyeen xubno ka tirsan xisbiyada mucaaridku, isaga oo sheegay in wakhtigaas la sameeyey afar sanduuq oo loogu talo galay in lagu yareeyo saameynta uu xannuunkaasi keenay.

Sanduuq loogu talo galay ka hortaga iyo xakameynta Covid-19, oo kharashka loo qorsheeyey uu ahaa 1.5 milyan oo doolar isla markaana loo isticmaalay qalabkii, daweyntii, wacyigelintii iyo adeegyadii caafimaad ee loo fidinayey dadkii uu asiibay xannuunkaas, sanduuqa labaad ayaa ahaa mid ay ganacsatada iyo xukuumadduba ay iska kaashadeen lagana taageeray dad badan oo uu xannuunkaasi saameeyey noloshooda loona qaybiyey raashin guud ahaan gobollada dalka.

Waxa kale, oo uu wasiirku faahfaahin ka bixiyey sanduuqii loogu talo galay dadka ganacsiyada yaryar lahaa ee uu saameeyey xannuunka Coronavirus iyo sanduuqii loogu talo galay in lagu taageero dalagga beeraha oo uu xusay in lacagahaasi aan la sticmaalin oo lahayo, isaga oo cadeeyey in cidkasta oo u baahan lacagahaas la isticmaalay cadeyntooda ay diyaar u yihiin horena ay u soo bandhigeen xissab xidhyadoodii.