Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hayada Care Oo Mashaariic Cusub Kala Shaqaynaysa Wasaaradaasi

Hargaysa – (warsoor) – wasiirka wasaarada khayraadka biyaha somaliland oo tan iyo intii wasaaradaasi loo magcaabay dardar hor leh geliyay hagaajinta maamulka wasaaradaasi iyo ka midho dhalinta sidii wasaarada loogu soo xidhi lahaa hayadaha ay wada shaqaynta balaadhan leeyihiin ayaa maanta waxaa uu mar kale kulan la qaatay hayad cusub oo wasaarada kala hawl geli doonta mashaariic cusub oo horumarineed kuna aadan siyaasada ay wasaaradu ugu xil saaran tahay qaranka somaliland.

Wasiirka khayraadka biyaha md baashe cali jaamac ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa hayada care international iyo saraakiil ka tirsan wasaarada khayraadka biyaha.

wasiirka-biyaha

Shirkaas oo lagaga hadlayey mashruuc laga maal geliynayo bangiga horumarinta africa. hirgelinta mashruucaa oo ku kacaya lacag dhan sideed milyan oo dollar iyadoo hal millyan oo ka mid ah sideedaa milyan ay bixinayso dawlada somaliland.

Waxaa shirka lagu soo bandhigay qorshaha uu ku soconayo fulinta mashruuca iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray.

Kulankaas oo ahaa mid guul ku dhamaaday ayuu wasiirku ugu mahad celiyey adb oo ilaa iminka maal gelinaya laba mashruuc oo horumarinta biyaha dalka ah.

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horeysay ee wasiir baashe cali jaamac uu kulamo la qaato hayadaha dalka ku sugan amase ka shaqeeya kuwaasi oo inta badan uu kala hadlo in ay bulshada wax u qabtaan isla markaana ay hirgeliyaan waxyaabaha ay dalka u joogaan oo hayaduhuna ay ku dedaalaan fulinteeda iyadoo la isku afgarto dhamaanba waxyaabaha bulshadu uga baahan tahay labada dhinacna ay isku waafaqaan wada shaqayn buuxda oo raali gelisa labada dhinacba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.