Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay  Haayada ARC

Hargaysa ( warsoor)- Wasiirka Arrimaha  Gudaha Somaliland  Md. Cali  Maxamed Waran-cadde  ayaa arbacadan maanta xafiiskiisa  kulan  kula yeeshay masuuliyiin ka socday hayadda samafalka ARC oo laga leeyahay dalka Qadar.

Masuuliyiinta hay’adda ARC ayaa wasiirka Arimaha gudaha Somaliland uga warbixiyey mashaariicda ay dalka ka hirgaliyeen, waxaanay sheegeen inay taageero siiyaaan caruurta agoomaha ah iyo dadka danyarta ee ku nool Somaliland. Masuuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay ka qayb-galeen gurmadkii abaaraha ee loo fidiyey dadka ku nool xeebaha Somaliland, hayaddan ayaa sidoo kale deeq gaadhsiisay caruurta agoomaha ee ku jira xarunta Kuwayt.

Masuul u hadlay Hay’adda ARC ayaa wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ka dalbaday inay wasiirku ka caawiyo dhinaca amaanka ee xarunta hayadda iyo meelaha ay ka hawl-gashaba.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde ayaa masuuliyiinta hayadda ARC uga mahadnaqay taageeradda miisaanka leh ee ay siiyaan umadda reer Somaliland, waxaanu ku sii dhiiri-galiyey inay sii laban labaan taageeradda ay u fidinayaan walaalahood reer Somaliland.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyey dalabka uga yimid ee hayadda ARC ee la xidhiidha dhinaca amaanka waxaanu balan-qaaday in xukuumadda Somaliland ay markasta masuuliyaddi ka saaran tahay sugidda amaanka hayaddaha iyo dadka martidda u ah qaranka Somaliland.

IMG_2637

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay  Haayada ARC

Hargaysa (warsoor)- Wasiirka Arrimaha  Gudaha Somaliland  Md. Cali  Maxamed Waran-cadde  ayaa arbacadan maanta xafiiskiisa  kulan  kula yeeshay masuuliyiin ka socday hayadda samafalka ARC oo laga leeyahay dalka Qadar.