Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir wada tashi ah

Muqdisho – (warsoor) – Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa la tashi kala sameynaysa Maamulka iyo qeybaha bulshada Gobolka Banaadir diyaarinta hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka.

Shirka qeybtiisa koowaad ee Maanta furmay waxay Wasaaradda la-tashi la sameynaysa madaxda iyo dadka ka shaqeeya hey’adaha  dowliga ah ee gobolka Banaadir, halka maalinka berri ah wadatashiga ay la yeelan doonto  qeybaha bulshada ee Gobolka sida uu sheegay agaasimaha guud Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud.

La taliyaha Ra’iasalwasaaraha ee arrimaha dib u heshiisiinta Dr, Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow oo ka hadlay shirka waxa uu sheegay in  muhiim tahay in la daadajiyo wadatashiyada diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisiinta dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir  Maxamed Cabdulaahi Tuulax ayaa tilmaamay in Gobolka uu soo dhaweynayo in wadatashiyo lala sameeyo Dadka caasimadda.

“Waan soo dhaweynaya wadatashigaan diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisinta, anaga gobolka Banaadir ahaan Ahmiyad weyn ayay noo leedahay dib u heshiisiinta waayo hadii ay caasimadu hagaagto dalkoo dhami waa hagaagayaa maadaama ay tahay muraayada dalka” ayuu yiri guddoomiye Tuulax.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo furay shirka  waxa uu sheegay hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka sanadkii tagay uu soo biloowday haatana uu marayo waqtigii la tashiga bulshada lagana billaabay Gobolka Banaadir.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.