Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Safar Booqday Masar

Hargeysa – (warsoor) – Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire  oo   socdaal shaqo ugu baxay dalk Masar  ayaa maanta gaadhy magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Debadda JSL oo ay ku weheliyan weftigiisa Danjiraha Somliland u qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda, Mudane Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa Qaybta Bariga Dhexe Mudane Fahmi Maxamed Qaasim ayaa saaka caabbaara 6:30kii subaxnimo lagu soo dhaweeyay Gagada Dayuuradaha ee Qaahira.

wasiir_sacad_Masar

Weftiga Wasiirka oo shalay gelinkii dambe ka ambabaxay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa kadib martiqaad rasmi ah oo wasiirku ka helay dhiggiisa dawladda Masar, waxana kaga  horyimi  Madaarka Qaahira masuuliyin sarsare oo ka socotay  Wasaaradda Kharaajiga Masar  iyo xukuumadda dalkaas oo soo dhaweeyay weftiga.

 Sida ay warbaahinta usoo xaqiijiyeen qaarka mid ah masuuliyiinta wasiirka ku weheliya weftigiisa ayaa waxa u qorshaysan weftiga  wasiirka mudada ay ku suganyihiin Qaahira  inay kulamo muhiim ah la qaataan dhinacyo kala duwan oo ay ka midyihiin  Wasiirka Arrimaha Debadda  Masar  Mudane  Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada  sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta ugu sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.

Ujeedada safarka ee weftiga Wasiirka Arrimha Debadda JSL ayaa qayb ka ah  sii xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga dhinacyada badan ee labada wadan ee Somaliland iyo Masar

Source:  Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL

Hargeisa,  Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.