Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Sheegay in Burco Hal Maayar oo Kaliya ay Leedahay

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id waxaa uu ku sheegay in Burco ay leedahay hal maayar oo kaliya maayarkaasina uu yahay Maxamed Muraad.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay xukumaddu ogayn meel xilka lagaga qaaday maayarkii hore, sidaasi daraadeedna Mayarka sharciga ahi uu yahay Maayarkii hore ee Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad.

warancadde-shir-jaraaid

Wasiirka ayaa sheegay haddii la doonaayo in xilka laga qaado Maayar la soo doortay in loo soo maro hanaanka sharciga ah ee u yaala oo uu sheegay in xildhibaabadu ka dharagsan yihiin habka loo maro xilka qaadista Maayarka.

Cali Maxamed Waran-cadde oo ka hadlaya wararka ay warbaahintu baahisay ee sheegaya in magaaladda Burco ay ka jiraan laba maayar ayaa yidhi, “Laaba oo Burco leedahay ma jiro, horta waxaan bulshadda Reer Somaliland u cadaynayaa in laba maayar aanay jirin”.

Wasiirka Cali Maxamed ayaa ka dhigay in la kaco wax sharciga ka hor imanayaa ciddi doonaysa inay badasho maayarna ay soo marto nidaamka sharciga u yaala.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Daawo: Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Sheegay in Burco Hal Maayar oo Kaliya ay Leedahay

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id waxaa uu ku sheegay in Burco ay leedahay hal maayar oo kaliya maayarkaasina uu yahay Maxamed Muraad.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay xukumaddu ogayn meel xilka lagaga qaaday maayarkii hore, sidaasi daraadeedna Mayarka sharciga ahi uu yahay Maayarkii hore ee Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad.

warancadde-shir-jaraaido

Wasiirka ayaa sheegay haddii la doonaayo in xilka laga qaado Maayar la soo doortay in loo soo maro hanaanka sharciga ah ee u yaala oo uu sheegay in xildhibaabadu ka dharagsan yihiin habka loo maro xilka qaadista Maayarka.

Cali Maxamed Waran-cadde oo ka hadlaya wararka ay warbaahintu baahisay ee sheegaya in magaaladda Burco ay ka jiraan laba maayar ayaa yidhi, “Laaba oo Burco leedahay ma jiro, horta waxaan bulshadda Reer Somaliland u cadaynayaa in laba maayar aanay jirin”.

Wasiirka Cali Maxamed ayaa ka dhigay in la kaco wax sharciga ka hor imanayaa ciddi doonaysa inay badasho maayarna ay soo marto nidaamka sharciga u yaala.

Halkan ka daawo shirkii jaraa’id ee Wasiirka: