Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo La Kulnay wefti sare oo ka socda EU-da

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin ayaa kulan la qaatay wefti sare oo ka socday Ururka Midowga Yurub oo ay hoggaaminayso Safiirka cusub ee EU-du dhawaan u soo magacowday Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Tiina Intelman.

Kulankan oo ay ku wehelinayeen wasiirka xubno kale oo ka tirsan hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxaanay kaga wadahadleen weftiga reer Yurub qodobo ay ka mid yihiin:

  • Guud ahaan kulankaasi waxa uu noogu soo dhammaaday is-afgarad iyo guul, waxaana la isla gartay in la sii xoojiyo wadashaqaynta iyo kulamada Midowga Yurub iyo Somaliland.
  • Qabsoomidda doorashooyinka ku soo wajahan Somaliland sannadka 2022 ee ay ka mid tahay doorashadu Madaxtooyadu,
  • Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Midowga Yurub, gaar ahaan taageeradooda dhanka ciidammada ammaanka sida Booliska iyo kuwa Ilaalada Xeebaha dalka iyo arrimaha mandaqada ka taagan, si gaar ah nabadgalyada iyo kaalinta Somaliland kaga jirto oo ah mid aad u weyn oo beesha caalamku ku majeerato Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Kulmiye
Maxamed Kaahin Axmed