Wasiirka Amniga XFS oo Tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho (warsoor)-Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuurkar Islow Ducaale ayaa tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,  kuwaasi oo tababar ku qaatay Xerada Tababarka ciidanka ee TurkSom.

Saraakiishaan tababarku usoo gabogabeeyey ayaa noqon doono Macalimiinta Tababar siin doona labo boqoloo kun (2,000) oo askari oo ka tirsan Ciidanka booliska oo ay tababarayso Dawladda Turkiga.

Waxaa goobjoog ahaa Munaasabadda xiritaanka Tababarka Taliyaha Ciidanka Boolislka Soomaaliyeed, taliye ku-xiggeenka Booliska iyo Saraakiisha xerada TurkSom.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.