Wasiirka Amniga Soomaliya Xasan Xundubay ayaa ka hadlay Arrimo la xirrira Amniga Magaaladda Mogadisho

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiirka Amniga XFS Xasan Xundubey Jimcaale oo goordhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay Xaaladdaha Amni ee caasimadda Soomaliya.

Wasiirka ayaa ku baaqay innaan shacbiga loo horseedin dhibaato laga na fogaado wixii sababaya Amni darro, ayna haboon tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo xasiloonida guud ee Dalka.

“maalmahan waxa jiray  Dad dhaqan mooryaanimo leh kuwaas oo jabsanaya guryaha sidoo kale laynaya Dadka shacabka ah, iyagoo  kusoo hoos gabanaya waxyaabihii jiray maalmahan, Ragga madaxda ah ee wax abaabulaya wax aan rabnaa inay ogaadaan in ay u noqon karaan gabaad dad iyagu aysan maamulin oo aysan ogayn kana tirsanan kuwaas oo lahayn nidaam iyo sharci ayuu yiri wasiirku.”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa markale waxa uu ka digay in Ragga Madaxda ah ee  wax abaabulayaa ay gabaad u noqon karaan Argagixisaddii hore ba u naafaysay shacabka Soomaaliyeed ee Daacish iyo al-qaaciida, wuxuuna intaa raaciyey in hore ba Dad is abaabulay oo magacyo sheegtay in ay magacayadaas hoostoodda inta lagu shaqeeyey bulshadda Soomaaliyeed lagu dhibaateeyey.