Wasiirka Amniga Puntland oo Israsaasay Dhaawac Ka Soo Gaadhay

Boosaaso – (warsoor) – Iska horyimaad ku dhex maray ciidamada Puntland maalinimadii khamiista xarunta birmadka ciidamada ee magaalo boosaaso ayaa waxaa ku dhaawacmay Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, waxaa sidoo kale dhaawac soo gaadhay saraakiil iyo askare ciidamada ka tirsan.

Iska hor imaadkan dhacay ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaal gacan ka hadlay ah oo dhex maray Ciidanka  Booliska Puntland Janaraal Cabdirisaaq  Maxmuud Yuusuf (Afguduud) iyo Taliyaha Ciidmada Birmadka Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Xasan Cawke.

Ciidamada Labadan Taliyey kala hogaaminayeen ayaa isku bilaabay is rasaasayn waxaanay keentay in ay ka dhashaan dhaawacyo soo kala gaadhay labaddii dhinac ee dagaalku dhex maray.

Wasiirka Aminga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa dhawac fududi ka soo gaadhay lugta mid, halka sarkaal iyo saddex askari ay soo gaadhay dhaawac culus.

Qarjab

Hadda ayaa marki dambe dagtay, ilaa hadda lama garanaayo waxaa keenay in labadda hogaamiye ciidane gacanta iskula tagaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.