Wasiirada maaliyadda iyo qorsheynta oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan shaqo abuurka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirada maaliyadda iyo qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka wada hadlay ahmiyadda ay leedahay mudnaansiinta maalgelinta barnaamijka horumarinta qorshaha qaranka ee 9-aad.

Wasiirka maaliyadda Dr. Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ka hor tagga dhibaatooyinka bulshada ka hor imaan kara sidoo kalena loo baahan yahay in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada.

“Maanta waxaa la kulmay wasiirka qorsheynta mudane Jamaal Maxamed Xasa waxa aan ka wada hadalnay mudnaanta maalgelinta ee uu leeyahay barnaamijka horumarinta qorshaha qaranka ee 9- aad. (UDP9)” ayuu yidhi wasiir Beyle.