Wasiirada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Ganacsiga XFS oo kullan la qaatay Michael Keatin

Muqdisho – (warsoor) – Kullankan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, ayna ka qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda H.E. Dr.. Abdirahman Dualeh Beileh, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha H.E. Mr. Mohamed Abdi Hayir Mareye iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mr. Michael Keating ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga doodday dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda, ammaanka iyo iskaashiga.

Labada dhinac ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, xoojinta iyo horumarinta wax wadaagid qotodheer oo istiraatiijiyad leh oo u dhexeysa Qaramada Midoobey iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhinacyo badan leh.

Kulan kale oo gaar ah, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating taabagelinta iyo horumarinta istiraatiijiyadaha wadaagga ah ee u dhexeeya hey’adaha Dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala dalka si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah si uu qeyb uga noqdo dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta horumarka iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyadda Qaranka iyo hiigsiga wadaagga ah.

Kulankan miradhalka ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Mr. Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimaha taageerada Ergada UNSOM ahna Agaasimaha UNSOS Mr. Amadu Kamara iyo Madaxa Shaqaallaha ee UNSOM Ms. Hedwig Maex.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.