Wasiir Yariisoow ” ku dhawaad boqol dagaalyahano ah ayaa lagu dilay Diinsoor”

Muqdisho – (warsoor), Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Mudane C/raxmaan Cumar yariisoow oo lahadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la beegsadeen xero tababar ka fuliyey deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.

Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad boqol dagaalyahano oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” wasiir yariisoow ayaa qoraalkan sidoo kale bartiisa facebook-ga ku daabacay.

Alshabaab, ayaa wixii ka dambeeyey tan iyo markii dadka shacabka ah ay ku xasuuqeen qaraxii Ex Zope ay ka geeystaan, waxay wajahayeen weeraro ka duwan kuwii hore ee kaga imaan jiray ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada dhanka howlgalada ka caawiya, waxaana jirto in deegaano badan oo fadhi muhiim ah u ahaa hadda ay kasii carayaan, si ay uga baxsadaan hirka xoogga badan ee kusoo wajahan.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.