Wasiir Toorno: “Lacag aan Fiiga Iskuulka ahayn oo Ardayda Laga Qaadi karaa ma jiri doonto”

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa kormeer ku sameeyey iskuulada ku yaala magaalada Hargeysa, gaar ahaanna kuwa gaarka loo leeyahay.

Kormeerkan wasiirka ayaa ujeedadiisu ahayd in la hubiyo inay iskuuladda gaarka loo leeyahay u hogaansamee go’aankii ay soo saartay wasaaradu ee la xidhiidhay dirayska iyo manhajka waxbarashada ee Somaliland in ay qaataa iskuuladda gaarka loo leeyahay oo midkastaa leeyahay dirays iyo manhaj u gaar ah.

Wasiirka ayaa shir jaraa’id uu ku dhex qabtay dugsiga gaarka loo leeyahay ee Amaano sheegay in aan galaasyadda ardayda fadhiisanaysaa aanay ka badnaan karin 45 arday, sidoo kalena ardayga aan laga qaadi karin lacag kale oo aan ahayn lacagta bisha ee fiiga iskuula ee xaqa loogu leeyahay ardayga.

Wasiirka Axmed Toorno ayaa sidoo kale sheegay haddii ardayda la waydiiyo lacag aan ahayn ta fiiga bisha inay soo garaacaan lambarka gargaarka degdega ah ee wasaarada oo ah 966.

Halkan ka daawo warka wasiirka: