Wasiir Sheegay In Hay’adaha Dawladdu 70% Isticmaalan Astaanta Qaranka Oo Khaldan Iyo Qaabka Ay Sax ku Tahay

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed X. Aadan Cilmi ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladdu isticmaalan Astaanta Qaranka oo khalad ah, taas oo aan waafaqsanayn qaabta Dastuurku u asteeyay Astaanta Qaranka Somaliland. Astaanta saxda ah iyo tan khaldan ee wasiirku soo bandhigay ayaa ku kala duwan midabka qaabka guud.

Wasiirka oo shalay hor tagay Guddida Joogtada Ah ee Golaha Guurtida Somaliland waxa uu sheegay in ay xeer u samaynayaan Astaanta, Calanka iyo Af Soomaaliga oo uu tilmaamay in aanu jirin xeer lagu maamulo marka laga reebo qodobo Dastuurka ku jira oo si kooban u astaynaya.

“Waxaanu soo wadna xeerar badan oo aad naga talo siin doontaan oo uu ka mid yahay xeerka Astaanta Qaranka, Astaanta Qaranku waa qodob laakiin, xeer ma laha, xeerka Calanka, xeerka afka Soomaaliga oo imika meel walba wixii la doona ku qoran, haddii aad eegtan boodhadhka dalkeena 80% waa Ingiriisi, 10% waxa laga yaaba waa Carabi, 5% in ay Soomaali tahay ayaa laga yaaba sida aad ogtihiina dastuurkeenu wuxuu qoraya afka 1-aad waa Soomaaliga ka labaadna waa Carabi,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu intaasi raaciyay “Markii aanu eegnay hay’adaha iyo wasaaradaha Qaranka boqolkiiba todobaatan (70%) waxay isticmaalan Astaanta khaldan labada astaamoodna waxaanu gayn doona goleyaasha oo dhan iyo golaha wasiirrada.”

Qodobka 7-aad ee Dastuurka Somaliland farqadiisa 2-aad ayaa sidan u tilmaamaysa Astaanta Qaranka “Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU AKBAR” oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadusa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi ah.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.