Wasiir Odawaa, “Hala soo dadajiyo liiska xubanaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle”

Jowhar – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda maamulka cusub ee Hirshabeelle looga fadhiyo sidii ay u soo dadajin lahaayeen Liiska Xubnaha Aqalka Sare u matalaaya maamulkaas.

odow-640x427

Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa sidoo kale xusay in qoondada haweenka ee xubaha aqalka sare ay tahay mid lama tab taan ah, waxa uuna madaxda cusub ee maamulka Hirshabeelle ugu baaqay in ay soo gudbiyaan xubno ka soo dhalaali kara waajibaadka aqalka sare ee dowladda Soomaaliya, si dalka looga samata bixiyo xaalada adag ee uu ku jiro.

“Qaar ka mid ah gobollada dalka waxaa ka socdo doorashooyinka xubnaha aqalka sare ee dowladda Soomaaliya, sidaa daraadeed waxaa madaxda maamulka Hirshabeelle ugu baaqeynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo gudbiyaan liiska xubnaha aqalka sare ee maamulkooda. Sidoo kale qoondada haweenka ee 30% waa in laga helaa xubnaha ay soo xulayaan” ayuu yiri, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa”.

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii u horeeyay ee soo doortay xubnaha Aqalka sare u matalaya dowladda Soomaaliya, iyadoo xubnihii lagu doortay Cadaado ay goob joog ka ahaayeen doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.