Wasiir Maxamed Kaahin oo Ka war-bixiyey geerida Taliyaha Ciidamadda Booliska Somaliland

Hargeysa – (WARSOOR) – Xukuumadda Somaliland ayaa warbixin ka soo saartay geerida ku timid Allaha ha u naxariistee Taliyihii Ciidamada booliska Somaliland, Sareeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo xalay ku geeriyooday Cisbitaal Guude ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Sareeye Gaas Fadal Madaxweynaha Somaliland, ciidamada iyo dhamaan Shacbiga Somaliland oo dhan.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in taliye Fadal uu ahaa mas’uul xilkas ah oo wax badan u soo qabtay Somaliland, islamarkaana aysan iloobi doonin dadaalkiisii iyo sida uu uga shaqeeyey horumarka iyo nabadeynta deegaanada maamulkaasi.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu wadaa in saaka aas Qaran loogu sameeyey gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka gooni isu taaga ee Somaliland.

Fadal oo xilka taliyaha Booliska Somaliland loo magacaabay 2012-kii ayaa bedalay taliyhii ka horreeyey ee Maxamed Saqadhi Dubad oo isna geeryooday, sidoo kale wuxuu taliyey Fadal soo noqday taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo hogaanka Hawlgelinta ciidanka Booliska oo uu hayey in muddo ah.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.