Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga Oo Gaadhay Gobolka Saaxil

Berbera – (WARSOOR) – Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee Somaliland Yurub Abiib Cabdi ayaa kormeer ku tagtay xarumaha kalluumaysiga iyo maxjarka xoolaha ee degmada Berbera ee gobolka Saaxil.

Wasiir ku xigeenka ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga ee degmada Berbera, iyadoo kormeer kusoo martay xafiisyada kala duwan ee wasaaradda ee gobolka Saaxil, waxaana ay warbixin ka dhegeysatay agaasimiyaaasha iyo madax qaybeedyada wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ee gobolak Saaxil. Intaas kaddib waxay kulan la qaadatay mas’uuliyiinta gobolka iyo ka degmada Berbera.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga ee Somaliland Yurub Abiib Cabdi ayaa sheegtay in kormeerkan ay kasoo billawday gobollada Bari ee Somaliland, isla markaana ay ugu kuurgalayeen xaaladda xoolaha nool iyo kalluumaysiga Somaliland.

Wasiir ku xigeenku waxay intaas raacisay inay xoogga saarayaan sidii suuq cusub loogu heli lahaa kalluunka Somaliland, iyagoo ugu baaqday kalluumaysatada kala duwan ee soo jilaabata kalluunka inay ku dedalaan sidii ay u kordhin lahaayeen waxsoosaarka, iyadoo bulshadu ay soo baranayso sidii istcimaalka Kalluunka.