Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Tabobar U Furay Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha Booliska

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo uu weheliyo taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland ayaa tabobar u furay qaar ka mid ah saraakiisha Booliska.

Tabobarkaas oo ku saabsanaa maamulka amniga ee xilliga doorashooyinka ayay sheegeen macalmiintu in ciidamada booliska ka caawin doono arrimaha amniga doorashooyinka innagu soo food leh.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabogale) waxaana uu sheegay in saraakiisha kala duwan ee tabobarkaasi qaadanaya la bari doono xuquuqda muwaadinka ama qofka shacabka ah xilliga doorashada lagu jiro, isagoo dhanka kalena ugu baaqay daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland inay ixtiraamaan shuruucda doorashooyinka dalka iyo amniga guud ee Somaliland.

Khubarradii tabobarka bixinaysay oo goobta ka hadashay ayaa sheegay in saraakiisha booliska ay siin doonaan tabobar iyo khibrad ku saabsan sida loola dhaqmo muwaadinka iyo xuquuqdiisa xilliyada doorashooyinku dhacayaan.

Ugu dambayn wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Naasir Caydiid Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay saraakiisha ka faa’ideysanaysa tabobarkan in aqoonta ay bartaan ay ugu adeegaan shacabka Somaliland isla markaana tabobarkan ay ugusii diyaar garoobaan doorashooyinka isku sidkan ee innagu soo food leh.