Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka Qaybgalay Shir lagaga Hadlayey Dib U Habeynta Ciidanka Booliska

Hargeysa – (warsoor) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed,  ayaa ka qaybgalay musaanibad lagaga hadlayey qorshaha horumarinta ciidanka Booliska Somaliland ee mustaqbalka.

Waxaana ka qayb galay saraakiil ka tirtsan ciidanka booliska Somaliland, ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay hogaanka hawlgelinta ciidanka booliska gaashaanle sare Ibraahin Xaaji, oo faahfaahin ka bixiyey shirkaas iyo ujeedadiisa wuxuuna sheegay in looga gol-leeyahay sidii ciidanka booliska loogu sameyn lahaa qorshaha horumarinta mustaqbalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib u habeynta ciidanka, isaga oo uga mahadceliyey mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo uu sheegay in ay lahaayeen qaban-qaabada shirkaas.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed, oo sheegay in ay ka wasaarad ahaan ka shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa ciidanka booliska Somaliland, wuxuuna intaas ku daray in mudooyinkii u dambeeyey ay socdeen tababbaro kor loogu qaadayey shuruucda ciidanka booliska iyo xidhiidhka iyo wada shaqeynta dadweynaha, isla markaana ay sii socon doonaan kulamada noocan oo kale ahi si loo horumariyo shaqada ay bulshada u hayaan boolisku.