Wasiir Hadliye oo Khudbad uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya ka jeediyey kulanka guud ee Qaramada Midoobey

Newyork – (warsoor) -Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa  khudbad uu kaga hadlaayo xaalada Soomaaliya ka jeediyay kulanka guud ee Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New york ee dalka Mareykanka.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay arimo badan oo quseeya caalamka iyo sidoo kale xaalada Soomaaliya.

Wasiir Hadliye ayaa ka hadlay la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-Shabaab , waxaana uu sheegay in  dalalka Caalamka looga baahan yahay in ay dowladda Soomaaliya  ka taageeraan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay wali gacanta ku hayaan.

Waxaa uu xusay in dalalka caalamka looga baahan yahay in ay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay wasiirku  isbadelka Cimilada iyo sidoo kale dhaqaalo xumida soo wajahday qaar ka mid ah dalalka Caalamka.

Kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wali ka socda magaalada New York iyadoo ay khudbadaha madaxda caalamka lagu soo qaadayo arrimo badan oo kala duwan

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.