Wasaradda Ganacsiga Soomaaliya oo soo bandhigtay qabyo-qoraalkii ugu horreeyey siyaasadda Maalgashiga Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, oo maanta shir-guddoomiyey shirka agaasimeyaasha iyo Lataliyasha ee wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay qabyo-qoraalkii ugu horreeyey siyaasadda Maalgashiga Soomaaliya oo muddooyinkii dambe ay ka shaqeynaysay waaxda Maalgashiga ee wasaaradda.

Agaasimaha waaxda Maalgashiga ee wasaaradda Mudane, Cabdirisaaq Xasan Yuusuf oo halkaas ku soo bandhigay siyaasadda ayaa sheegay in siyaasaddani dhiirigelinayso sidii Maalgashadeyaashu ay wadanka uga sameyn lahaayeen Maalgashiyo waaweyn oo khuseeya qeybaha kala duwan ee dalka kuwaasi oo wax weyn ka tari kara dhinacyada horumarka, dhaqaalaha, shaqo-abuurka, ganacsiga iyo weliba wax soo saarka Soomaaliya.