Wasaaradda Waxbarashada oo sheegtay waqtiga lagu dhawaaqayo natiijada imtixaanka shahaadiga

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka wasaarada waxbarashada Soomaaliya Dr Cabdiqaadir Cabdi Xaashi ayaa maanta kormeeray goobaha lagu saxayo imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkaan ay qaaday dowlada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaarada waxbarashada Soomaaliya labo isbuuc kadib ay ku dhawaaqi doonto natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkaan ay qaaday dowlada Soomaaliya.

imtaxaanka_soomaaliya

Dr Cabdiqadir Cabdi Xaashi wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa la dar daarmay macalimiinta saxaya imtixaanka, waxaana uu u jeediyey in ay u asxaan falaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan nasiibka u yeeshay in ay ka qeyb galaan imtixaanka ay qaaday dowlada Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa ku howlan horumarinta waxbarashada dalka, iyada oo masuuliyiinta wasaaradu ay wadaan dadaalo arintaasi ku aadan.

W/D:-Muxudiin MMC

Xigasho: sonna

This post is also available in: English

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap