Wasaaradda Tegnoolajiyada Somaliland Oo Magaalada Hargeysa Ka Furtay Mahruuca Hormarinta Adeega E-Government Ee Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Mashruucan Hormarinta E-Government ee Somaliland ee ka furmay caasimada Hargeysa waxa hirgalintiisa iskaashanaaya wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Teknoolojiyadda JSL iyo Haayadda Horumarinta Caalmiga ah ee Taiwan ICDF, iyadoo mashruucaas bil ka hor ay heshiis taariikhi ah laba dhinac ku wada saxeexdeen, isla markaana lagu go’amiyay in Taiwan ay Somaliland ka taageerto, qodobadan:-

1. Casriyaynta iyo Isku xidhka Nidaamyadda Dawaladda.

2. Hormarinta Shabokadaha Dawaladda JSL.

3. Hirgalinta Macahadka tabobaradda ICT-da.Ugu dambayn waxa mashruucaas u daahfuray wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda JSL Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi iyo Madaxda Haayada Taiwan ICDF EE Somaliland.