Wasaaradda Shaqo Gelinta oo magaaladda Hargeysa ka furtay Barnaamijka daryeelka bulshada danyarta ah ee uu saameeyay Covid 19

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Shaqo Gelinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland ayaa magaaladda Hargeysa ka daahfurtay Barnaamijka daryeelka bulshada danyarta ah ee uu saameeyay cudurka Covid 19Agaasimaha waaxda Arimaha Bulshada Cawaale Maxamed Muuse, ayaa sheegay in Barnaamijkan ay ka faa’iidaysanayaan qoysas danyar ah oo tiradoodu gaadhayso 1160-qoys kuwaas oo ku sugan Somaliland isla markaana uu saamayn dhaqaale ku yeeshay Covid 19.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqo-Gelinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland C/rashiid Ibraahin Sheekh C/raxmaan, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan lagu kaalmaynaayo qoysaska danyarta ah ay ka taageeren Dawladda Jarmalka iyo Hay’adda Osfom, waxaanu sheegay in dadka mashruucan ka faa’iidaysanaaya ay ku suganyihiin magaalooyinka Laascaanood, Burco, Hargeysa iyo Wajaale kuwaas oo qaadanayay lacago cadaana si ay uga soo kabtaan saamaynta Covib 19, oo hos u dhac ku keenay dhaqaalohoodi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka Axmed Ismaaciil, ayaa sheegay in baahida dadka danyarta ah ee uu saameeyay cudurka Korona Fiyras intan ka badantahay loona baahanyahay in Hay’addaha Caalamiga ah iyo Dawladuba ay sameyaan mashaariic noocan oo kale ah oo lagu kabaayo dhaqaalaha bulshada danyarta ah.

Wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland, mustafe Godane Cali Bile, ayaa sheegay in lacagta cadaanka ah ee la siinaayo qoysaska danyarta ah ay aad u yartahay balse ay tahay mid u dhaanta wax la’aanta ayna rajaynayaan in la kordhiyo lacagta noocan ah ee la siinaayo bulshada danyarta ah ee uu  saameeyay cudurka Covid 19.