Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Oo Kulan Ku Qabatay Magaalada Hargeysa

Hargeysa – (warsoor)-Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay kulan lagaga hadlayey Aasaasida ururka ICT-ga ee Somaliland.

Waxaana kulankaas ka qayb galay wasiirka wasaaraddaas, agaasimaha guud ee wasaaraddaas, agaasime waaxeedyada, shaqaale weynaha wasaaraddaas, aqoonyahano bartay cilmiga ICT-ga iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kulankaas.

Ugu horeyn waxa kulankaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Dr. Cali Cabdilaahi Daahir iyo agaasimaha waaxda Tiknoolajiyada ee wasaraddaasi waxayna ka warameen kulankaas iyo waxa uu daaran yahay, iyaga oo sheegay inuu yahay kulankii labaad isla markaana lagaga doodi doono sidii loo horumarinta ICT-ga, isla markaana loo Aasaasi lahaa ururkii midayn lahaa iyada oo ay wasaaradduna doorkeeda ka qaadanayso.

Geesta kale, waxa isna halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, oo tilmaamay in muhiimada ugu ballaadhan ay tahay sidii loo heli lahaa meel ay isugu yimaadaan dadka leh aqoonta Tiknoolajiyada, isla markaana loo horumarin lahaa adeegyada Tiknoolajiyadda, lana dhiirigeliyo tartanka dhanka Tiknoolajiyada si loo taabo galiyo horumar la taaban karo qaran ahaan.