Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo Boorama Ka Furtay Kulan

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa magaalada Boorama ka furtay kulan ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedka maamul daadajinta ee gobolada galbeedka Somaliland.

Sida u uku soo waraaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA Abokor Xasan Caafi kulankaas oo socon doona laba maal-mood waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobollada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil, kaas oo lagu salayn doono saddexda sanno ee soo socota.

Muddada uu socdana waxa lagu gorfayn doonaa qorshaha maamul daadajinta caafimaadka saddexdaasi gobol oo lagu dari doono qorshaha caafimaadka 2022-ka illaa 2026-ka ee heer qaran, waxaana qayb ka noqon doona diyaarintiisa isuduweyaasha wasaaradda horumarinta caafimaadka, hay’addaha caalamiga ee ka hawl-gala goboladaas iyo laamaha dawliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda caafimaadka. Dr. Maxamed Xaamud iyo Dr. Cabdi Muumin oo ka socday hay’adaha HBA iyo WHO ayaa sheegay inay kaalin ka qaadan doonaan sidii loo diyaarin lahaa qorshaha maamul daadejinta caafimaadka ee saddexdaasi gobol.

Isu duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Muumin Muuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha kasoo baxa kulankaasi lagu dari doono qorshaha caafimaadka ee heer qaran. Geestiisana agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr, Mubaarig Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay dedaal ku bixin doonaan sidii loo hirgelin lahaa arrimaha kulankaasi kasoo baxa, isagoo intaas ku daray in toddobaadka soo socda ay wasaaraddu kulan noocan oo kale ah ay u qaban doonto gobollada Togdheer, Sannaag iyo Sool.

Ugu dambayn, guddoomiyaha gobolka Awdal Maxmed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa wasaaradda caafimaadka uga mahadceliyay qaboqaabinta kulankaasi, waxaanu xusay in talaabadaasi noqon doonto mid kaalin ka qaadan doonta horumarinta iyo maamul daadajinta caafimaadka, gobol ahaanna ay wasaaradda caafimaadka kala shaqayn doonaan sidii maamul daadajintaasi ay uga hirgali lahayd dhammaan degaannada hoos yimaadda gobolka Awdal.