Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo ka Hadashay Xannuunka TB-da

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa daahfurtay xuska maalinta Qaaxadda Adduunka,   oo dhammaan caalamka laga xuso 24 March.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland,  mudane Maxamed Cabdi Xergeeye,  oo munaasibadan daahfuray ayaa ka digay khatarta xannuunka Tibiida, waxaanu sheegay in daawada TB-da ee laga iibsado xarumaha gaarka ah ay tahay mid sharci daro ah.

Sidoo kale waxaa uu xusay in aanay lahayn tayadii loogu talagalay TB-da.

Agaasime Xergeeye waxa uu bulshada ku booriyay in qof kasta oo qaata daawada xannuunka TB-da uu u isticmaalo siddii loogu talo galay.