Wasaaradda Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Oo Abaalmarino Guddoonsiisay Qaar Kamid Ah Shaqaaleheeda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland ayaa shahaadooyin guddoonsiisay shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii 2020 ee wasaaraddaasi.

Munaasibad lagu maamusayey shaqaalahan wasaaradda Gadiidka iyo horumarinta Jidadka ka hawlgala, gaar ahaana shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii 2020-kii ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Md Cabdilaahi Abokor ,wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Md Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ,Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe iyo Guddoomiyaha Koomiishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa Somaliland.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Seyid) iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyadda wasaaraddaasi,iyaga oo bogaadiyey shaqaalaha loo xulay, isla markaana loo kartay in ay ahaayeen shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii tegay ee 2020, iyaga oo sidoo kalena tilmaamay in shaqaalahan xulistooda ay u raaceen nidaamka Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland.

Geesta kalena waxa goobtaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe iyo sidoo kale Dayib Xaaji Aadan oo ah guddoomiyaha Koomiishanka Maamul wanaaga,waxaanay bogaadiyeen shaqaalahan abaalmarinaha la guddoonsiiyey.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Md Cabdilaahi Abokor Cismaan oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay doorka ay abaal marinta shaqaaluhu ka qaadato sidii ay shaqaaluhu ugu dhiiran lahaayeen shaqada ay qabtaan, isla markaana ay u dardar gelin lahaayeen, waxaanay u hambalyeeyeen shaqaalaha goobtaas lagu guddoonsiiyey shahaadooyinka iyo abaalmarinaha.