Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Oo Bulshada Uga Digtay Walxaha Qarxa Iyo Dhibta Ay Geystaan

Hargeysa – (WARSOOR) – Waaxda miinada ee wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo bandhigtay dhibaatooyin ka dhashay miinooyin iyo walxaha qarxa, sidoo kalena bulshada u soo gudbisay fariimo ku saabsan ka digtoonaanta miinooyinka.

Guuleed Axmed Ibraahin oo ah madaxa hawl-galinta miino-saarka ee wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada u soo jeediyey inay iska ilaaliyaan dhibaatada ka dhalan karta miinada iyo walxaha qarxa, kuwaas oo geysta dhibaato gaadhsiisan dhaawac illaa heer dhimasho, loona baahan yahay in lagu baraarug sanaado halistaas ka iman karta miinooyinka iyo walxaha qarxa.

Ugu dambayn agaasimaha waaxda miinada ee wasaaradda gaanshaandhiga Somaliland ayaa sheegay in waaxdaasi ay ku hawlan tahay sidii dalka looga cidhibtiri lahaa walxaha qarxa, waxaanu intaas ku daray in dhacdooyinkii u dambeeyay ee khasaaraha ay miinooyinkaasi geysteen ay ka mid ahaayeen saddex wiil oo magaalada Berbera ugu geeriyooday miino ku qaraxday, waxaanu sheegay in gobolka Saaxil ay ku sugan yiihiin kooxo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhiga, kuwaas oo wada olole ku saabsan sidii dadka looga digi lahaa halisaha ay miinooyinkaasi geysan karaan, iyada oo kooxahaasi ay soo mari doonaan gobollada dalka guud ahaan.