Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cabdirasaaq Ibraahim Maxamed Ataash oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Axmed Abokor Maxamed iyo Maareeyaha Wakaalada H. Wadooyinka Eng. Mowliid Nuux Ibraahim ayaa kulan la qaatay Madaxda Hayโ€™ada Cunnada Adduunka WFP ee Somaliland.

Kulanka waxaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka Wasaaradda iyo hayโ€™ada WFP, waxaa kaloo la falanqeeyey cabashooyinka Gaadiidlayda Somaliland ee qaada raashinka Macaawinada ah iyo shirkadaha qandaraaslayaasha ah ee la shaqeeya WFP.

Ugudanbayn masuuliyiintu waxay kawada hadleen muhiimada dhiirigalinta gaadiidka muwaadiniinta Somaliland iyo soo jiidashada macamiisha dalalka jaarka ah iyadoo laga fiiโ€™daysanayo balaadhinta iyo casriyeynta Dekeda iyo marinka Berbera Corridor.