Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Oo Bilowday Hawl-gal Lagu Hubinaayo Badqabka Gaadiidka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL oo maalmihii ugu danbeeyay waday hawlgalo lagu hubinayo inay Gaadiidka u kala Goosha Gobolada Dalku ay Fuliyeen Awaamiirtii Badqabka Gaadiidka ayaa Saaka ka bilawday Wadada Dhinaca Galbeed uga baxda Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Axmed Abokor Maxamed oo wehelinayaa Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaarada, Lataliyaha Wasaarada ee Dhinaca BBG, Hawlwadeeno ka tirsan WGHJ iyo Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka ayaa tagay Duleedka Kaantaroolka Galbeedka kuwaasi oo adeegsanayay Qalab lagu hubinayo ama sheegaya Xawaaraha uu ku socda Gaadiidka adeegsanayay Wadadaasi.
Waxaana Qodoba ay soo rogtay Wasaaradu ee la hubinayay Maanta ka mid ahaa:-

  1. Liisanka Darawalad Gaadiidka
  2. Hubinta Badqabkiisa oo uu soo Maray Goobaha lagu eego ee BBG isla markaana uu sito Warqada Cadaynta.
  3. Qalabadla Xadidaada Xawaaraha Gaadhiga
  4. In aanuu Gaadhigu Qaadi karin Rar saayid ah.
    Waxaanay Qodobadani qayb ka yihiin Shuruucda Wadamarista ee Dalka oo ay Wasaaradu ka Hubinaysay inay ka hirgaleen dalka iyada oo la wadi doono hubintooda.