Wasaaradda Duulista Somaliland oo ku Guulaysatay Rikibaada Qalab Casri ah oo Lagula Soconayo Sadaasha Hawada Dalka

Hargaysa – (warsoor) – Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa ku guulaysatay rikibaada qalab casri ah oo lagula socon doono Saadaasha Hawada Dalka.

Qalabkan oo ah qalab casriya oo ku xidhiidhsan Satellite ka ayaa dabooli doona baahi ka jirtay hawl galada hawada Dalka iyo la socoshada cimilada si talooyin wasaaraddu uga bixiso wixii la xidhiidhi cimilada Dalka.

Munaasibad kooban oo ay daah furka hawl galkanlagu  guulaystay u qabatay wasaaraddu ayaa waxaa  ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe, Eng. John oo ka socday urur goboleedka IGAD iyo Agaasimaha Waaxda Saadaasha ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada C/rashiid Cali Xadi.

Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey qalabkan waxaanu sidoo kale u mahadceliyey Urur Goboleedka IGAD oo ka caawiyey sidii hawshani u guulaysan lahayd, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya:- “ILAAHEY-baa mahad leh waana guul weyn oo Somaliland u soo hoyatay inaynu halkan ku rikibno qalab Saadaasha hawada wax weyn inooga tari doona oo suurtogalinaya inaynu la socono xaaladaha hawadeena iyo wixii la hal maala oo aynu aad ugu baahnayn oo waa aynu ognahay duruufaha abaareed iyo wadci ee ina soo maray, waxaananu dedaal badan u galnay ka wasaarad ahaan inaanu suurtogalino sifo kasta oo aanu ku heli karayno qalab Sateliteka ku xidhan oo suurtogaliya inaynu sida caalamka la socono hawadeena oo aynu ka caawin karno dadka reer guuraaga ah iyo dadka magaalooyinka iyo dhulka daaqsimeedka si loola socdo, waxaanu barnaamijkani inoo suurtogalinayaa inuu hawshaasi inaga caawiyo inaanu xog ka helno oo Settelite ku inoo sahlo”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi:- “Waxaan u mahadcelinayaa urur goboleedka IGAD, kuwaasi oo qalabkan oo qiimo weyn ku kacay inoo keenay waxaan kale oo aan u mahadcelinayaa Eng. John oo isaguna rikibaada qalabkan u yimid dalka iyo C/rashiid oo ICAO ka socda qaybteeda saadaasha hawada, waxaanay labadooduba gacan balaadhan ka gaysteen sidii hawshani u suurto gali lahayd, maantana qalabkii waa uu shaqaynayaa tijaabadii u horeysay waanu samaynay , waxaananu Mustaqbalka Insha Allah rajaynaynaa inay noqoto hay’ad madax banaan ama wakaalad,

taasi oo wasaaradda lafteeda hoos timaada maadaama oo ay ahmiyad gaar ah leedahay waana talaabo hore loo qaaday oo ay ku guulaysatay xukuumadda xisbiga Kulmiye, kaliya kama caawinayso duruufaha cimilo, sidoo kale waxa ay ka caawinaysaa haddii badaha oo kale wax ku soo fool leeyihiin, duufaano iyo roobab meelaha qaarkood siyaado ku ah oo da’aya, taasi oo fududanaysa in dadka xog la siiyo, waxa kale oo ka mid ah in meelaha abaar looga baqayo lafteeda xog laga helo oo xogtaasi la helo oo dadka meelahaasi degan la sii siin karo xog ah in dhulkaasi abaartu ku badan tahay oo ay muhiim tahay in xaga kale loo guuro, waxa kale oo xog laga siin karaa dhismayaasha oo xog laga siin karo habka dabayshu u dhacdo oo lagu salayn karo habka loo dhisayo iyo dabaysha khatarta ku ah haddii uu yahay dabaqyo badan oo isa saaran, xog badan oo dalkani u baahnaa oo markii hore uu la’aa ayuu inoo suurto galinayaa barnaamijkani, waana markii u horeysay ee Somaliland lagu rikibo, waxa kale oo uu ka caawinayaa Telefishanada inay helaan xogta dhabta ah ee saadaasha hawada ee Somaliland, taasina barnaamij ayaanu u samaynaynaa aanu heshiis ku wada galno warfaafinta oo ay xogtaasi telefishanadu helaan si toos ah oo ay heli karaan xogta maalin kasta iyo daqiiqad kasta oo ku sabsan hawada Somaliland siday u dhacayso, waxaanan mar labaad u mahadcelinayaa urur goboleedka IGAD, waxaanay hawshani ka mid noqon doontaa qaybo badan oo soo kordhinay.

Agaasimaha waaxda Cimilada C/rashiid Cali Xadi ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfahin ka bixiyey faa’iidada uu qalabkani leeyahay, waxaau yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya:-  

 “Qalabkan aad halkan la keenay waxa uu qayb ka yahay Mashruuca Mesa oo ah mashruuc ay wadamada Afrika oo dhan ay ku bahoobeen oo ah sidii Cimilada loola socon lahaa, isla markaana qalabkan loogu talo galay sidii Cimilada Somaliland loola socon lahaa, mashruucaasina waxa runtii naga gar gaar oo gacan xoog leh naga siiyey ururk IGAD oo aanu la’aantii mashruucaasi midho dhaleen, si kale hadaan u dhigo waxa Somaliland gaadhay maanta inay kaligeed garan karto cimiladeeda oo ay la socon karto hawadeeda oo ay maamuli karto, waana guul ILAAHEY loogu mahadiyo, waxaana si gaar ah ugu mahadnaqaynaa oo gacan xoog ah naga siiyey Mr. John oo ka socda ICAO iyo C/rashiid oo ka socda hay’adda ICOA”

Sarkaal ka socda IGAD Mr. John Asayo ayaa isna Dawladda  Somaliland iyo Urur Goboleedka  IGAD ugu mahadceliyey suurtogalinta qalabkan casriga, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:- “Waxaan jecelahay inaan uga mahadceliyo dawladda Somaliland sida wanaagsan ee ay noo garab istaagtay si ay hawshani noogu suurto gasho, waxaanu qalabkan cusub hirgaliyaaa sidii loola socon lahaa Hawada dalka, waxaanan rajaynayaa in sida ugu wanaagsan loogu isticmaali doono, waxaanan doonayaa inaan halkan uga mahadceliyo masuuliyiinta IGAD ee suurto galiyey inaan hawshan qabano iyo wasiirka duulista oo isaguna gacan nagu siiyey”.

C/rashiid Cumar Jaamac oo ka socday hay’adda ICAO ayaa sheegay in qalabkan cusub faa’iido u leeyahay Dalka, isla markaana faahfaahiyey sida loo adeegsanayo, isaga oo tilmaamay inuu wax badan inaga caawin doono, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Qalabkan waxa uu inaga caawinayaa cimilada iyo sidii loola socon lahaa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.