Wasaaradda Dhalinyarada oo Awaamiir Ka Soo Saartay Xuska 15-ka May

Muqdisho – (warsoor) – Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya  ayaa amar ku bixisay in aanan la qaban karin xaflad ku saabsan xuska 15 May iyadoo aan ogoaalansho laga heysan maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaharaha xukuumadda Soomaaliya mduane Maxamed  C/laahi Xasan (Nuux) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in aan lagu qaban karin magaalada Muqdisho xaflad aan Ogolaasho looga heysan Gobalka Banaadir maadaama ay gabalku la wareegeen masuuliyadda hab maamuuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May oo maalinta barito ah ku beegan.

wasiirka_dhalinyarada_somaliya

“Si loo hubiyo Amniga ka qeybgalayaasha xafladaha lagu maamuusayo maalintan Qaran waxa howlaha Qabanqaabada Hab maamuuska maalinta dhalinyarada ka masuul ah maamulka Gobalka Banaadir, hayadaha Ammaanka waxaan fareynaa in aysan Ogolaan xaflado arrintaan ku saabsan oo aanu gobalka Banaadir la socon”,  ayuu yidhi Mudane Nuux

Mudane Nuux,  ayaa sidoo kale sheegay in cidii doonaysa in ay qabato xaflad ku saabsan xuska maalintaas la xiriri karto maamulka gobolka isla markaana is bar bar yaac aan la ogoleyn.

15 May, ayaa ah maalinta dhalinyarada soomaaliyeed waxaana sanadkasta dalka gudahiisa iyo dibadiisaba laga dhigaa xaflado lagu weyneynaayo maalintaas, waxayna ku asteysan tahay aas aaskii ururka dhalinyarada gobanimo doonka ahaa ee Somalia youth league (SYL).

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.