Wasaaradda Deegaanka oo Soo Qaban Qaabisay Dood Cilmiyeed lagaga Hadlaayo arrimaha Deegaanka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa soo qaban qaabisay dood cilmiyeed lagaga hadlaayay arrimaha deegaanka ee dalka.

Doodan oo qayb ka ah mashruuca kordhinta awoodda laamaha dawladda si ay u fuliyaan heshiisyada caalamiga ah ee deegaanka, ayaa waxa si wada jir ah u fulinaya wasaaradda deegaanka ee Somaliland iyo hay’adda UNDP. Doodan oo ay ka qayb galeen ganacsatada dalka iyo aqoonyahanka jaamacadaha ayaa waxa ugu horreyn furtay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ay weheliyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda deegaanka, waxaana ay sheegeen in u jeeddada shirkani ay tahay sidii ay ganacsatadu ay door muuqda ay uga qaadan lahaayeen arrimaha deegaanka oo uu tilmaameen inuu yahay waajib weyn oo ina wada sugaya.

Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somalialnd Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa u mahadcelisay ganacsatada kasoo qayb gashay doodaasi, waxaana ay sheegtay inay ugu talogaleen doodan sidii loogu falanqayn lahaa xaaladda deegaanka ee dalka iyo doorka ay ka qaadan karaan ganacsatada dalku, wasiirku waxay intaas raacisay in gebogebada xogta dooddaasi kasoo baxda ay noqon doonto mid wasaarad ahaan ay ku xisaabtamaan.