Wasaaradda Ciyaaraha Oo Soo Gaba-Gabaysay Tabar Ku Saabsan Kubada Koleyga

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda ciyaaraha ayaa magaalada Hargeysa tobor ku saabsan kor u qaadida ciyaaraha kubadda gacanta ugu soo gaba-gabaysay konton xubnood oo ka mida gar-sooreyaasha iyo macalimiinta kubadda Koleyga.

Rashiid Cismaan oo ka mid ahaa macalimiintii tabobarkaas bixinaysay ayaa sharaxaad ka bixiyay arrimaha ay ciyaartoydaasi barteen mudadii uu tabobarku u socday, waxaanuu wasaaradda ciyaaraha ku ammaanay tabobarkaas ay kor ugu qaadayaan xirfadda ciyaartoyda kubada gacanta.

Gudoomiyaha xidhiidhka kubadda Koleyga ee Somaliland Maxamed Yuusuf Cilmi ayaa sheegay in tobarkaas oo socday laba maal mood ciyaar toydii kubada Koleyga ee ka qayb-galay ay ku barteen casharo la xidhiidha kubada Koleyga iyo sharciyadeeda, waxaanuu u soo jeediyay in arrimhii ay tabobarkaas ku qaateen uga sii faa’iideeyaan ciyaaryahanada kale.

Ugu dambayn Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid ayaa sheegay in tabobarkaasi ka mid yahay dadaalada wasaaradda dhalinyarada iyo ciaaraha Somaliland ugu jirto horumarinta ciyaaraha guud ee dalka, agaasime Cabdirashiid wuxuu intaas ku daray in wasaaraaddu ciyaaraha dalka ku maamuli doonto in la raaco shuruudaha u yaala ciyaaraha dalka.