Wasaaradda Caddaaladda Oo Ruqsadihii kala Noqotay 12 Nootaayo

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland ayaa maanta laashay ruqsadaha 12 Nootaayo, iyadoo cuskanaysa qodobka 18aad ee xeerka Nootaayooyinka, siday ku sheegtay Wasaaraddu war qoraal ah oo warbaahinta loogu talogalay.

Wareegtadan ka soo baxday wasaarada cadaalada ayaa u dhignayd sidan.

“Wasaaradda Caddaaladdu waxay maanta oo ay Taariikhdu tahay 24.11.2021 ay ku laashay ruqsadihii nootaayooyika hoos ku xusan, siduu dhigaayo qodobka 18aad ee xeerka Nootaayooyinka Somaliland ee xeer Lambar 18/2001, kuwaasoo sifo sharciga waafaqsan looga laalay ruqsadahii ay haysteen: waxaana ay kala yihiin Nootaayooyinka, Xaqmaal, Rays, Haybis, Sareedo, Axbaab, caarif, Raabi, Hiilsan, Intifaac, Makka, Tawakal, Marxaba, kuwaasoo ku kala yaalla gobollada Somaliland.

Sidaas darteed ayaa lagu yidhi qoraalka waa inaad kusoo hagaajisaan wixii Dhokomantis ah,iyo shaambadaha, wixii gobolka Maroodi Jeex ku yaalla agaasimaha waaxda wasaaradda caddaaladda, kuwa gobolladuna waa inay kusoo hagaajiyaan isu duwayaasha gobollada ee Wasaaradda Caddaaladda, siduu dhigaayo xeerka Nootaayooyinka xeer Lambar 18/2021.”