Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo La Wareeegtay Agab Caafimaad Oo Ka Soo Gaadhay Dalka Jabuuti

Hargeysa – (WARSOOR)  – Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaaka Somaliland ayaa agab ka mida kuwa lagaga hortago xannuunka Covid 19 kala wareegay safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti.

Agabkaas ayaa isugu jiray nus malyuun xabbo oo ah af-saab iyo agabyo kale oo ah kuwa lagaga haashaanto xannuunka Covid 19, sarfiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed ayaa sheegay in agabkaas dawlada dawlada Jabuuti ay ugu deeqda Somaliland, si uu kaalin uga qaato dadaalada xukuumadda Somaliland ee xakamaynta xannuunka Covid 19.

Agaasimaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeeye ayaa si rasmi ah ugala wareegay agabkaas loogu talo galay in lagaga hortago xannuunka Covid 19, isagoo u mahadceliyay dawlada Jabuuti iyo safiirka Somaliland u jooga dalkaas.

Ugu dambayn agaasime Xergeeeye wuxuu xusay in wasaaradda cafimaadku agabkaas u qorshayn doonto isla markaana ay gaadhsiinto goobaha ay u qorshayso.