Wasaaradda Caafimaadka oo Agab Caafimaad kala Wareegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo agab caafimaad oo lagaga hortagayo xannuunka covid-19 kala wareegtay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.

Waxana goobta agabkaasi la gula kala wareegayey goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Cuamr Cali Cabdilaahi, ugu horayn waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka warbixiyey agabkaas caafimaad ee ay ku wareejiyeen wasaaradda caafimaadka, isaga oo sheegay in dawladda Taywaan ay ugu deeqday Somaliland agaabkaas oo ay ku jiraan laba mishiin oo ah kuwa lagu baadho xannuunka Coronavirus iyo agab kale oo u muhiim ah ka hortaga xannuunkaasi.

Dhankiisana waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cuamr Cali Cabdilaahi, oo u mahad celiyey wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo soo gaadhsiisay agabkaas caafimaad, isaga oo intaas ku daray in ayna ahayn markii u horaysay ee ay soo gaadhsiiyo agab caafimaad, waxa kale oo uu wasiirka caafimaadku u mahad celiyey dawladda Taywaan oo iyadu qalabkaas ugu soo deeqday Somaliland.